Rooble oo la kulmay Guddoomiye kumeelgaarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

April 15 (Jowhar.com) – Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay labada Gudoomiye ee kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dhammeystirka doorashada labada guddoon ee baarlamaanka oo maalintii shalay maray dhaartii dastuuriga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku boorriyay labada guddoon in ay dardar galiyaan Doorashada guddoonka rasmiga ee baarlamaanta.

Labada gole ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah ay kulmaan iyadoo kulankaasina uu noqon doono kulanka ugu horeeya ee rasmiga ah ee baarlamaanka 11aad uu yeesho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More