Sanbaloolshe oo saraakiisha NISA ugu baaqay iney qaataan Shahaadada

April 04 (Jowhar.com) –Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo maanta qaatay shahaadada xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga ayaa fariin u diray xildhibaanada dooran ee aan wali qaadan shahaadada xildhibaanimo.

Sanbaloolshe oo suxufiyiinta kula hadlay xarunta Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal FEIT ayaa si duur xul ah saraakiisha NISA ee baarlamaanka ku soo biirtay ugu sheegay ineysan u xanibnaan Fahad oo NISA taliyo badan tahay, isaguna uu qaatay shahaadada.

“NISA Taliyaheeda waa qaatay, Hal Taliye ma lahan  waa Taliye badan yihiin, Xildhibaannada nin aan xur aheyn haddii uu qaato shahaadadiisa, hadhow xur uma ahaan doona codkiisa, si xur ah dadkiisa iyo deegaankiisa kuma matali karo.” ayuu yiri xildhibaanka.

Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe oo kamid ah mucaaradka ugu weyn Farmaajo ayaa xubnaha soo baxay kula taliyay iney qeyb ka noqdaan dadka isbedelka dalka gaarsiinaya oo aysan noqon sidii askar amar qaadadaya oo ay codkooda ugu adeegaan dadka iyo deegaanka ay matalaan.

Waxaa la rabaa Xildhibaannada  dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowladnimada ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan la idinku tala galay ee Askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More