Wararkii u danbeeyay khasaaraha qarax Amisom lagula eegtay duleedka Muqdisho.

April 04 (Jowhar.com) –Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo maanta ciidamo ka tirsan Amisom lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa miino wadada dhineceeda la dhigay ayaa qabsatay mid kamid ah gaadiidka xamuulka qaada oo ay ciidamada u dhashay dalka Uganda wateen, xiliga la beegsanayay wuxuu marayay inta u dhexeysa degaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi.

Dad goob joogayaal ah waxa ay sheegeen in qaraxa oo jugtiisa aad u cuslaa uu jiro khasaare gaaray ciidanka Amisom oo xiligaas ku sii socday dhinaca Afgooye, iyadoo qaraxa kadibna ay rasaas dhowr jiho u fureen walow aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, weerarka kadib ciidanka waxey mudo hakiyeen isu socodka gaadiidka wadadan dheer.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxaa ay tilmaameen in qaraxa ay la heleen mid kamid ah Gawaarida Xamuulka qaada oo ay wataan Ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku dileen hal Askari oo la socday gaariga qaraxa lala beegsaday.

Majirto ilo ka madax banan sheegashada kooxdan oo xaqiijineysa khasaaraha, iyadoo saraakiisha Amisom wali aysan wax war ah ka soo saarin weerarka duleedka Muqdisho lagula eegtay kolonyada gaadiidka ah ee ay wateen oo ku sii jeeda dhinaca degmada Afgooye oo ay fariisimo ku leeyihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More