Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Masagawaa

Wararkii u danbeeyay weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab ku qaaday deegaan ka tirsan Sh.Dhexe

Apr. 22 (Jowhar.com)-Kooxda Al-shabaab ayaa saake weerar qaraxyo ku billowday ku qaadey degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud, halkaasoo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka.

Sida wararku sheegayaan, waxaa hadda socda dagaal toos ah oo u dhaxeeya Shabaabkii weeraray magaalada iyo ciidamada dowladda, iyadoo mararka qaar qaraxyo la maqlayo.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramaya in Shabaabka weerarka soo qaaday oo si aad ah u abaabulnaa ay isku dayayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaaheen deegaanka, iyagoo iska caabin xooggan kala kulmaya ciidamadda amaanka.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya laba cisho kadib markii Shabaab weerar kan lamida ay ku qaadeen deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaasi khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidanka xoogga dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More