Shariif Sheekh Axmed oo walaac ka muujiyay qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war saxaafadeed uu soo saaray walaac uga muujiyay qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Qoraalka ayuu ugu horeyntii ku soo dhaweeyay Shariif Sheekh Axmed bilaabashada doorashada golaha shacabka isagoo ka digey in dib u dhac uu ku yimaado waqtiga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo.

Hase yeeshee waxa uu qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyah Midowga Musharaxiinta ku sheegay in ay jiraan cabshooyin badan oo ku aadan hannaanka doorashada loo maamulayo taasoo keeni karta muran la xiriira natiijada doorashada.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Musharax Shariif Sheekh Axmed

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More