Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Cirro oo kulan ka yeeshay arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal Maxamed Xassan Cirro iyagoo ka wadahadlay arrimo quseeya doorashooyinka.

Kulankaan ayuu ra’iisul wasaare Rooble kaga dhagaystay guddoomiyaha hirgalinta doorashooyinka heer federal qaabka ay u socoto doorashada golaha shacabka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray dardargalinta, toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo xaqiijinta in aan cidna lagu xadgudbin.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen cabashooyin ku aadan qaabka ay u socoto doorashada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More