Siciid Deni oo u magacaabay Gen MaxamedAmiin Agaasimaha Hay’adda PSF

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Puntland.
Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu sidoo kale magacaabay taliyaasha ciidamada Booliska Puntland isagoo isbedel ku sameeyay hoggaanka ciidamada.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada uu maanta ku magacaabay Agaasimaha Hay’ada PSF

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulalahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More