Shariif Sheekh oo shaaciyay inuu fashil kusoo dhamaaday wadahadaladii isaga iyo Xasan Sheekh

Apr 13 (Jowhar.com)-Madaxweynihii todobaad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uusan jirin wax natiija ah oo kasoo baxay shirkii ay Odayaasha dhaqanka iyo Ganacsatada beesha Mudulood isku dayeen in ay iskugu keenan isaga iyo MW Xassan Sheekh, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu sadex qodob madasha la tagey oo ah kuwa ay Soomaali oo dhan qabta una baahan tahay in xal laga gaaro, taas oo muujinaysa in dhinaca MW Xassan Sheekh layimid ajendayaal kale.

Arrimaha la isku fahmi waayay waxaa kamid ah; wax ka bedelka Dastuurka, xiisada dowladda iyo Puntland iyo arrimaha siyaasada iyo Mustaqbalka dalka.

Shariif Sh Axmed ayaa u mahadceliyaya ganacsatadii waqtiga iyo dhaqaalaha kubixisay isku keenida 2-da madaxweyne, dadaalkoodii ay bixiyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More