Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay xubnaha Golaha uga mid noqonaya Baarlamaanada ACP iyo EU

Aug. 06 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay xubnaha Golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika, Carribean, Pacific iyo Midowga Baarlamaanada Yurub.

Xubnaha uu guddoomiyaha baarlamaanka magacaabay ayaa kala ah Saalim Caliyow Ibroow iyo Xildhibaan Farxiyo yuusuf Cumar.
Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed ayaalagu faray xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliyeed inuu xildhibaanada la magacaabay u gudbiyo Baarlamaanada Afrika, Carribean, Pacific iyo Midowga Baarlamaanada Yurub.

Halkan hoose ka aqriso Magacaabista Xubnahan;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More