Shir looga hadlayay kahortagg wasakheynta badaha oo lagu qabtay Turkiga

April 26 (Jowhar.com)- Shir caalami ah oo looga hadlaayey sidii wax looga qaban lahaa ka hortagga wasakheynta Badaha iyo ka faa’ideysiga kheyraadka ayaa lagu qabtay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Shirkaasi oo ay soo qabanqaabiyeen wakiilada Jamacadda nabadda Qaramada Midoobay ee dalalka Kosto Rika iyo Turkiga wxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay wakiilka jaamacadda Nabadda ee Qaeamada Midoobay Dr. Dr.Maxamed Cismaan.

Wakiilkaasi ayaa sheegay in mudadii uu socday shirka looga hadlay Ilaalinta deegaanka badaha,gaar ahaan ka hortagga wasaqeynta biyaha badda

Iyo sida ugu habboon ee looga faa’ideysan karo kheyraadka ku xiran koboca dhaqaalaha.

Shirkaasi waxaa ka qeybgalay dalal ay kamid yihiin Jabaan,Faransiiska, Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale.

Bilihii la soo dhaagay waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Jaamacad qaabilsan dhanka waxbarashada badaha,maadaama Soomaliya ay kamid tahay ay ay leedahay kheyraadka ugu badan ee xagga xeebaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More