Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay munaasabada maalinta midnimada Tanzania

April 26 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaasi kala qayb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajir dalka isaga oo dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.

Dhinaca kale waxaa soo baxayay warar sheegaya in Wafdiga Dawladda Soomaaliya ee ku sugan dalka Tansaaniya ayaa lagu wadaa in wafdiga Madaxweynaha ee booqashada ku jooga dalka Tansaaniya ay madaxda wadankaasi la galaan heshiisyo ay kamid yihiin sidii maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran xabsiyada Tansaaniya loogu wareejin lahaa Soomaaliya, iyo heshiisyo kale oo khuseeya warfaafinta iyo dalxiiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More