Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta oo looga hadlay barnaamijka geeddi socodka deyn cafinta

Sept. 08 (Jowhar.com)-Shirka Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta qabsoomay ayaa looga hadlay sugidda Amniga, dar-dar gelinta gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirka oo uu goddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu horreyn Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Axmed Macalin Fiqi looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayso howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka, si loo badbaadiyo malaayiinta ay abaartu saameysay.

Mid kamid ah Halbeegyada hortabinta u leh Barnaamijka Xukuumadda ayaa ah dib-u-xoraynta deegaannada Nabad-diidka Alshabaab ay ku dhibaataynayaan shacabka iyo xaqiijinta Soomaaliya amni ah, xasilloon, xorna ka ah argagixiso.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa shirka ku soo bandhigay warbxin la xariirta howl-galladii ugu danbeeyey ee laga sameeyay dalka, sugidda amniga iyo xasillinta deegaannadda laga xorreeyo nabad-diiidka, si loo gaarsiiyo adeegyada bulshada ee ay bixiso dowladdu, taa oo ka mid ah hadafyada waaweyn ee uu tilmaamayo qorshaha xukuumamdda Dan-qaran.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa lagu boggadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan, isla markaana ay isaga difaacayaan argagixisada baneysatay naftooda iyo maalkooda ee ka socda gobollo badan oo ka mid ah dalka, iyagoo garab ka helaya ciidanka qalabka sida.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa golaha warbixin ka siiyey halka uu marayo geeddi socodka deyn cafinta Soomaaliya oo sanadihii u danbeeyey soconayey iyo tallaabooyinka loo bahan yahay in la qaado, si loogu guuleysto hadafyada weyn ee suurta gelinaya in laga miro dhaliyo barnaamijkan oo ahmiyad weyn u leh koboca dhaqaalaha dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More