Shirka Sanadlaha ah ee Xeer Ilaalinta dalka oo ka furmay Muqdisho

Shirka sanadlaha ah ee Xeer ilaalinta dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, kaasi oo socon doona muddo laba maalin ah.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yahin Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar masuuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta, madax ka socota maamul goboleed yada dalka, safiirka mareykanka ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa ka warbixiyay qorshaha u degsan xafiiska xeer ilaalinta;

“Qorshayaasha u dagsan xafiiska sannadkaan waxaa ka mid ah in la balaariyo lana hormariyo adeegyada baarista dalka uu leeyahay, in kor loo qaado aqoonta iyo xirfada shaqaalaha “ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Gudddoomiye Maxkamada racfaaayaa Maxamed Axmed Cismaan Baarinka oo mas’uuliyiintii kulankan ka hadashay ka mid ahaa ayaa yiri; ” Cadaaladda waa waxa ay bulshada ku wadajiri karto kuna wada joogi karto waana mida maanta laga dheehan karo shirka Xeer ilaaliyayaasha”

Safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya Ambassador Larry E. André, Jr oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in dhaqaale badan ay ku bixiyeen dowlada Maraykanka cadaalada dalka Soomaaliya.

“Mareykanka waxaa sharaf weyn u ah in sideedii sano ee lasoo dhaafay lacag dhan 115 Milyan uu ku bixiyo Taageerada Horumarada Cadaaladda Soomaaliya”

Sida la qorsheeyay Shirka inta uu socdo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa doodo iyo Xog aruurin kala duwan oo ku saabsan hannaanka Xeer ilaalinta dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More