Shirka Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo M. Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange .

Ayaa si rasmi ah u furay shirka, wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynt hannaanka canshuuraha, dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More