Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qaraxyo lala damacsanaa ganacsiyada Boosaso

Nov 20 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidanka Sirdoonka Puntland ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland, ayaa sheegtay in ay fashilisay qaraxyo argagixiso oo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Boosaaso iyo xarumo ganacsi.

Hay’adda Sirdoonka Puntland ayaa sheegtay in ay la socotay dhaqdhaqaaqa kooxahan, ayna ka hor tagtay kahor intii aysan fulin ficiladooda Argagixiso.

Sirdoonka Puntland ma aysan sheegin iney howlgalkan wax dad ah kusoo qabteen marka laga reebo iney gacanta kusoo dhigeen oo ay fashiliyeen qaraxyo lala damacsanaa xarunta ganacsiga Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More