Somalilamd oo ergo madax dhaqameed ah u dirtay Laascaanood, si ay wadahadal uga galaan dagaalka

Feb. 15 (Jowhar.com-Maamulka Somaliland ayaa sheegay markii ugu horeysay inay ergo madax dhaqameed ah u dirayaan gobolka Sool, si ay ula soo xaajoodaan isimada dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxaman Cabdullaahi Saylici oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Odayadan wakiilka ah ay awood buuxda u siiyeen iney go’aamo usoo goyn karaan, wuxuuna tilmaamay iney qaadanayaan wixii natiija ah ee ka soo baxa wadahadalka laga galayo xaaladda Laascaanood.

Mr. Seylici ayaa sheegay in ergada ay dirayaan ay yihiin Odayo dhaqan oo aaney eheyn wasiiro ama xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland, Isimada dhaqanka ee xarunta gobolka Sool ku sugan ayuu ka dalbaday iney si wanaagsan u soo dhaweeyaan ergadan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxaman Cabdillaahi Saylici ayaa dhinaca kale muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka magaalada ka socda todobaadkii labaad oo xiriir ah, wuxuuna ku sifeeyay shaqaaqadan iney tahay mid ku timid inuu Sheydaan ku adeegtay labada dhinac.

Si kastaba, Somaliland oo hore ugu fashilantay iney wadahadal la gasho Isimda Dhaqan ee hormuudka u ah dagaalka Laascaanood ayaa markan isku dayeysa iney u weeciso wadahadalka Ergo dhaqan ah oo ka socota dhinaca xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More