Soomaaliya Oo Ku Biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka

Dec 06 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya oo ku biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay ku biiritaanka guddigaan oo ka kooban lix xubnood.

Kamid noqoshada guddiga ayaa lagu sheegay munaasabad Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Mohamed Makhzumi ay kaga qeyb gashay Iimaaraatka Carabka Shir looga hadlaayay Isbadalka Ciilada iyo caqabadaha xiligaan ka jira dalka ee ku aadan helida dhaqaalaha cimilada.

Wasiiradda ayaa waxay iftiimisay caqabadaha adag ee ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan Cimilada, waxa ayna la wadaagtay qorshayaasha hiigsiga leh qaranka ee ku wajahan tijaabooyinka isbedel doonka ah.

Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka Maaliyadda cimilada adduunka.

Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha, in la kobciyp hal-abuurnimada, iyo in la sameeyo xalal wax-qabad leh oo Wadamada wajahaya caqabadaha Cimilada u noqda samatabixin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More