Suldaanka Beelaha Shiidle oo ku geeriyooday magaalada Jowhar

April 24 (Jowhar.com)-Waxaa magaalada Jowhar saaka waaberigii  ku geeriyooday Allaha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa suldaanka beellaha Lixda Shiidlo.

Meydka Suldaan Axmed Rashiid ayaa Salaada Janaasada lagula tukaday Garoonka kubada cagta Xasey Kumaari ee magaalada Jowhar,waxaana tukashada salaad ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Hirshabelle iyo tan degmada Jowhar.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa tacsi u direy qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar oo ka qeybgalay tukashada salaada janaasada ayaa kadib markii salaada laga soo baxay waxaa uu sheegay in Suldaanku uu ahaa nin codkar ah oo geesi ah isla markaana ka soo shaqeeyay nabadeynta dalka oo dhan.

Suldaan Axmed Rashiid ayaa kamid ahaa odey dhaqameed kii ka qaybgalay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay Dawladda Soomaaliya sanad kii 2000.

Waxa uu Suldaanka kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib u heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxa kale oo uu qayb ka ahaa xulista xildhibaannada reer kiisa ku matala Barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, wuxuuna kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Federaalka.

Maydka suldaanka ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta lagu aaso tuulada Kulmisweyne oo hoostagta magaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More