Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Xijaar oo la kulmay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa galabta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada Muqdisho iyo xoojinta heshiiskii laga gaaray qalalaasihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay muddo kororsiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona ka wada hadlay qorshaha sugida amniga Musharaxiinta.

Kulamadan uu Taliye Xijaar la qaatay Madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maalintii shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More