Madaxweynaha Hirshabelle oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Cali Guuldlaawe Madaxweynaha Hirshabelle oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa markii uu gaaray caasimada Hirshabelle waxa uu si toos ah uu kormeer u kuur galid ah ku tagay qeybo kamid ah goobaha uu ku fatahay Wabiga, isagoo ku baaqay inay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka geysan xeritaanka goobaha uu ka fatahay wabiga Shabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne isagoo ku baaqay inay nabada qaataan.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlihii shaqo ee uu u joogay Magaalada Muqdisho iyo dadaaladii nabadeed ee la gaaray.

Magaalada Jowhar ayaa waxa saameyn weyn ku yeeshay wabiga Shabelle oo dhawaan ka soo fatahay deegaanka Baareey,waxayna fatahaada ay barakiciyeen boqolaal qoys oo ku noolaa deegaano ka mid ah degmada Jowhar.

Biyaha ayaa gooyaya wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo degmada Mahaday iyadoo wadadaasina haatan ay noqotay meel ay doon ay dadka u raacaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More