Taliyaha Ciidanka Booliska oo booqday guriga Xasan Sheekh ee Mirinaayo

Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaalla Xaafada Mirinaayo, halkaasoo ka mid aheyd goobihii todobaadki hore ka dhaceen iska hor imaadyada.

Taliye Xijaar ayaa waxaa wehliyay Taliye kuxigeenka Booliska iyo Afhayeenka Booliska, waxaana booqashadan ay qeyb ka aheyd dadaalada nabadda ee ka socda Muqdisho oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa soo dhoweyn u sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska, wuxuuna ku ammaanay sida uu uga qeyb qaadanayo dadaalada lagu soo afjarayo xiisada ka taagneyd magaalada.

Taliye Xijaar ayaa la sheegay in markii hore aanu raalli ka aheyn qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku qaaday dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka, waxaana uu mar walba diidanaa dagaal in la qaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More