Taliye cusub oo loo magacaabay Nabad Sugida gobolka Banaadir.

May 30 (Jowhar.com)-Taliyaha cusub ee Nabad Sugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta magacaabay taliyaha Nabad Sugida qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Gaashaanle sare Muxudiin Warbac Shadoor ayaa loo magacaaay xilkan, isagoo kamid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ee hay’ada, walow ay hooseysay shqqadiisa mudooyinkii la soo dhaafay sababo ku aadan khilaaf kala dhexeeyay kooxdii hore u maamuleysay laanta mukhaabaraadka dalka.

Muxudiin Warbac ayaa bilooyin kahor loo magacaabay xilkan balse ma aysan dhaqan gelin oo waxaa diidmo kala horyimid kooxda taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, maadaama uu xiligaas jiray khilaaf salka ku hayay dib u dhacyada hareeyay doorashooyinka madaxtinimo ee dalka.

Talaabadan ayaa bilow u ah isbedel balaaran oo la doonayo in lagu sameeyay hay’ada Sirdoonka dalka, isbedelka bilowgiisii hore waxa uu noqday in magacii hay’ada la bedelo ee ahaa National Intelligence and Security Agency (NISA), waxaana laga dhigay Federal Intelligence and Security Agency (FISA), maalmaha soo socdo waxaa la filayaa in taliyayaal kale xilalka laga qaado oo kuwo cusub la soo magacaabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More