Tigrayga oo dib ula wareegay magaalada Lalibela

Maleeshiyaadka Tigrayga ayaa dib u qabsaday magaalada Lalibela ee waqooyiga Itoobiya, sida ay sheegeen dadka deegaanka, wax ka yar laba toddobaad kaddib markii ciidamada dawladda iyo xulafadooda ay la wareegeen magaalada qadiimiga ah oo ka mid ah magaalooyinka UNESCO ee dhaxalka adduunka.

Hoggaanka militariga jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa war ay la wadaageen warbaahinta taageerta TPLF ku sheegay in ay qaadeen weerar ballaaran oo ka dhan ah goobo badan oo ay ka mid yihiin jidka isku xira Gashena iyo Lalibela.

“Ciidankeena ayaa markii hore iska difaacay ka dibna waxa ay qaadeen weeraro rogaal celis ah oo ay ku qaadeen xoogaggii weerarka ku soo qaaday ee Gaashaamo iyo deegaanada ku xeeran si ay guul sharaf leh u gaaraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Itoobiya ee la xiriira sheegashada jabhada TPLF.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka Axmaarada iyo xulafadooda dagaalka oo labaduba ay xulafo la yihiin dowladda Itoobiya ay habeenkii Sabtida bilaabeen inay isaga baxaan magaalada Lalibela.

Ilo-wareedyo ciidan ayaa sheegay in ciidamada taabacsan xukuumadda ay ku sii wajahan yihiin magaalada Waldia oo ah xarunta ay ku xooggan tahay kooxda TPLF.

Ciidamada taabacsan kooxda TPLF ayaa magaalada la wareegay horaantii bishii Ogosto.

Balse 1-dii Disembar, ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda gobolka Axmaarada ayaa dib u qabsaday magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isaga laftiisa u tagay inuu hoggaamiyo howlgallada milateri, isagoo la hadlay muwaadiniinta xiran dareeska dagaalka oo ay ku hareereysan yihiin askar.

“Waan sii wadi doonaa meelaha harsan…ma jiraan wax naga celinaya. Cadowga waa la baabi’in doonaa,” ayuu yiri toddobaadkan.

Todobaadki hore ayay dowladdu ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay dib u qabsadeen magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha.

Horaantii bishan ayay dowladdu sheegtay in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen dhowr magaalo oo yaryar oo ay ku jirto Shewa Robit, oo ah magaalo qiyaastii 220km (135 mayl) u jirta caasimadda Addis Ababa.

“Jihada Shewa, Mezezo, Molale, Shewa Robit, Rasa iyo nawaaxigeeda ayaa laga xoreeyay argagixisada TPLF,” afhayeenka dawladda Legesse Tulu ayaa sheegay 1-dii Diseembar.

Colaadda muddada sanadka ah u dhexeysay dowladda federaalka iyo hoggaanka gobolka woqooyiga Tigreega ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin qofna waxay ku qasbeen inay guryahooda ka cararaan, iyadoo in ka badan sagaal milyan oo qof ay ku tiirsan yihiin cunno gargaar ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More