UK oo liiska cas ee COVID-19 ka saartay dadka ka tegaya dalka Soomaaliya

Xoghayaha gaadiidka ee UK Grant Shapps ayaa ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya laga saaray liiska cas ee hore u saarnaa arrimo la xiriira cudurka Covid 19.

Laga bilaabo 11 bishaan aynu ku jirno ee October ayaa waxaa UK liiska gaduudan ama casaanka ah ee Coronavirus ay ka saaraysaa dadka ka tegaya Soomaaliya ee u socda UK.

Arrintan ayaa macnaheedu yahay in dadka Soomaaliya ka imaanaya ay toos u soo gali karaan UK, iyaga oo aan meel kale soo marin ama aan la galin karantiil.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hoos u dhacay kiisaska cudurka Covid 19 waxaana dadka ka dhoofaya dalka Soomaaliya lagu xirey inay qaataan talaal isla markaana kahor intaysan ka bixin dalka ay iska baaraan cudurka Covid 19.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More