UK oo Soomaaliya si buuxda uga cafisay guud ahaan deymihii ay ku lahayd

Apr 11 (Jowhar.com)-Dowladda Biritan ayaa waxay Soomaaliya si buuxda uga cafisay deymihii taariikhiga ahaa iyadoo la dhammaystiray hindisaha dalalka saboolka looga cafinayo daymaha ee HIPC.

Tillabadan oo looga golleeyahay in uu Soomaaliya ka caawiyo galaangalka ay u yeelaneyso haya’adaha maaliyadda dunida, si ay u soo jiidato maalgashi caalami ah oo ka qaybqaata kobaca dhaqaalaha, iyo dhismaha Soomaaliya ammaan iyo xasilloon.

Ku-xigeenka safiirka UKSam Thomas ayaa arrintan shaaca ka qaaday ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshayWasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige.

“Maanta waxaan u xaqiijiyey Wsiirka Maaliyadda Biixiin, UK cafisey 100% qantii ay ku lahayd Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Danjire Thomas ku faafiyey barta X ee safaaradda UK ee Soomaaliya.

Wasiirka MaaliyaddaSoomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay go’aanka UK.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More