Wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaano ka tirsan degmada Jowhar

Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Moyko iyo Baareey oo ka kala xiga dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari caasimada dowlada goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Wabiga ayaa xalay ka fatahay deegaanka Moyko oo hal km dhinaca Koofur Bari ka xigta magaalada Jowhar waxayna biyaha jareen wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho.

fatahaada Moyko ayaa waxaa saameyn ay ku yeelatay guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaal koontaroolka Koofur magaalada Jowhar.

Sidoo kale wabiga ayaa deegaanka Baarey oo illaa 5km ka xiga dhinaca Waqooyi Bari magaalada Jowhar ka fatahay gelinki dambe ee shalay waxayna sababtay in boqolaal qoys oo ku noolaa deegaankaas ay ka barakacaan guryahooda.

Wabiga ayaa waxaa uu haatan gaaray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Waxa socda dadaalo ay wadaan maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe oo lagu doonayo in lagu xiro wabiga.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More