Wararkii u danbeeyay khasaaraha madaafiic xalay ku dhacday Muqdisho.

June 09 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay madaafiic xalay saqdii dhexe lagu garaacay xaafado kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasoo sababay khasaare xoogga oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, ilaa 7 Hoobiye ayaa xalay abbaare 2:00AM habeenimo waxa ay ku dheceen xaafado kamid ah degmada Wadajir oo kaabiga ku haya garoonka diyaarada Adan Cadde, halkaasoo maanta laga sugayo iney ka soo dagaan madaxda dalal Afrika ah.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in madaafiicda uu ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo isku qoys ahaa kuwaasoo uu gurigooda ku dhacay, qoyskan ayaa deganaa guri aan ka fogeyn hoyga Axmed Daaci Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir.

Gaadiid gurmd ah oo ay diyaariyeen ciidamadda amaanka ayaa durba goobaha caafimaadka ula cararay dadka ay waxyeelada gaartay, si adeegyo caafimaad loogu sameeyo, maadaama aaney jirin wax gaadiid ah oo dhaq dhaqaaqaya magaaalada oo bandowga ayaa caasimadda ka dhaqan galay xalay 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, majirto koox sheegatay madaafiicda xalay ku soo dhacay xaafadda xiggo aagga ay ka dhaceyso xafladda Caleema saarka madaxweynaha, walow arrimahan looga bartay kooxda Shabaab ee ka soo horjeeda jiritaanka dowladda iyo joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More