Wararkii ugu dambeeyay dalka Sudan oo isbedel cusub la filayo

Milatariga Suudaan ayaa qorsheynaya in ay dib u soo celiyaan ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray Abdalla Hamdok ayna sii daayaan hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray kadib afgambigii militariga ee bishii hore.

Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxa xisbiga Umma, ayaa heshiiska u xaqiijiyay warfidiyeenka maanta. Koox dhexdhexaadin ah oo Suudaan ah ayaa sidoo kale bayaan ka soo saaray heshiiska.

“Heshiis siyaasadeed ayaa dhex maray General Burhaan, Abdalla Hamdok, xoogaga siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah in Hamdok uu ku soo laabto booskiisa, iyo sii deynta maxaabiista siyaasadeed,” ayuu yiri Naasir.

Hamdok waxa uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax banaan oo farsamoyaqaanno ah, dhammaan maxaabiista siyaasadda waa la sii dayn doonaa sida uu dhigayo heshiiska u dhexeeya milatariga iyo xisbiyada siyaasadda, ayuu yiri Naasir.
Naasir waxa uu intaa ku daray in uu ka qayb galay shir dabayaaqadii sabtidii dhex dhexaadiyayaashii heshiiska ku gaareen.

Golaha Sare ayaa shir yeelan doona Axadda ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska, ayuu yiri ilo xog ogaal u ah wadahadalka.

Heshiiska ayaa imanaya in ka badan saddex toddobaad tan iyo markii General Abdel Fattah al-Burhan uu meesha ka saaray isbeddelka Suudaan ee ku aaddan xukunka rayidka ah oo uu afgambi militari ku sameeyay.

Oktoobar 25-keedii, al-Burhan waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, waxa uu kala diray dawladdii ku meel gaarka ahayd, waxana uu xiray hoggaankii rayidka ahaa – waxa uu soo jiitay cambaarayn ballaaran oo caalami ah oo uu dadka ku kiciyay in ay jidadka isugu soo baxaan.

Hamdok ayaa la geliyey xabsi guri markii ay ciidamadu la wareegeen awoodda. La wareegitaanka ayaa soo afjartay iskaashi ku meel gaar ah oo u dhaxeeyay militariga iyo kooxaha rayidka ah kuwaas oo gacan ka geystay in xukunka laga tuuro madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir 2019-kii.

War saxaafadeed ay soo saareen dhexdhexaadiyayaasha ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yimid kadib heshiis dhex maray dhinacyada siyaasadda, jabhadihii hore, iyo saraakiil ciidan

“Heshiiska waxaa si rasmi ah loo shaacin doonaa gelinka dambe ee maanta ka dib marka la saxiixo shuruudihiisa iyo ku dhawaaqida siyaasadeed ee la socota,” ayay tiri.

Talaabadan ayaa timid saacado kadib markii dadka u ololeeya afgambiga ay ku baaqeen banaanbaxyo waaweyn Axadii.

Arbacadii ayaa ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd iyadoo 16 qof lagu dilay. Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa Sabtidii sheegay in tirada dadka la dilay tan iyo markii ay militariga la wareegeen ay gaartay ugu yaraan 40. Maamulka Suudaan ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono dilka.

Maamulka ayaa beeniyay in ay isticmaaleen rasaas nool waxayna ku adkeysteen in ay adeegsadeen “xoog ugu yar” si ay u qaboojiyaan dadka isku soo baxay.

Xoogagga ku dhawaaqista xorriyadda iyo is-beddelka, oo ah kooxdii hormuudka ka ahayd kacdoonkii ugu dambeeyay ee xukunka looga tuuray Al-Bashiir, ayaa ka soo horjeestay in wax heshiis ah lala galo ciidammada.

Bayaan ay soo saartay Axaddii, ayay kooxdu ku celisay inay ka soo horjeedaan iskaashi siyaasadeed oo cusub oo ay la yeelato militariga, iyagoo ku adkeystay in kuwii ka dambeeyay afgambiga la horkeeno sharciga.

Al-Burhaan, oo ah Jeneraalka ugu sarreeya, ayaa ku adkeystay in tallaabada ay qaadeen millatari aysan ahayn “afgambi” balse ay tahay tallaabo “ lagu saxayo xilliga kala guurka” maadaama uu dagaal beeleedyo iyo kala qeybsanaan xooggan uu u dhexeeyo dadka rayidka ah iyo ciidamada dowladdii uu riday.

Horaantii bishaan, wuxuu ku dhawaaqay gole cusub oo rayid iyo militari ah kaasoo uu ku sii hayo jagadiisa madaxnimo, oo ay weheliyaan taliye ciidan oo awood leh, saddex sarkaal oo sare oo militari ah, saddex hoggaamiyeyaashii hore ee jabhadda iyo hal qof oo rayid ah.

Quwadaha reer galbeedka ee taageeray isbadalka siyaasadeed ee Suudaan ayaa cambaareeyay la wareegida militariga waxayna hakiyeen boqolaal milyan oo doolar oo kaalmo dhaqaale ah oo ay siin jireen Suudaan.

Soo laabashada Xamdook, oo ah dhaqaale yahan ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay iyo ururada Afrika, waxay ahayd dalabka ugu muhiimsan ee beesha caalamka.

Xigasho;Aljazeera

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More