Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Agaasime goboleedka UNFPA

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana oo ay ka wada hadleen dadaalada dowladda ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada 2025.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in DFS ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More