Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

April 27 (Jowhar.com) Waxaa lagu wadaa in goor dhow ay ka bilaabato Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho doorashadii gudoonka Golaha shacabka baarlamanka kadib markii saacado uu dib u dhac ku yimid.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hoolka teendhada ay haatan ku sugan yihiin inkabadan labo boqol oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaa ay sheegeen guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka inay diyaariyeen wax walba oo uu u baahan yahay xildhibaanka,ayna qabanayaan doorashada guddoonka golaha shacabka.

Doorashada gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa ku tartamaya sideed musharax oo kala ah:

1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig
2-Xildhibaan C/llaahi Axmed Aadan Black
3-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
4-Xildhibaan Xassan Cabdi Nuur
5-Xildhibaan Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.
6-Xildhibaan Sadiq C/llaahi Cabdi
7-Xildhibaan Shariif Maxamed C/lla
8-Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More