Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ukraine

Qaraxyo ayaa laga maqalay magaalada Kyiv saaka iyadoo mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Ukraine ay sheegeen in madaafiic iyo sawaariiq lagu garaacay magaalada Kyiv ee caasimada dalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa laga soo sheegayaa inay ku sugan yihiin duleedka magaalada Kyiv halka warar kalana ay sheegayaan in taangiyada Ruushka lagu arkay bartamaha magaalada caasimada u ah dalka Ukraine.

Weerarka Ruushka ayaa billowday Khamiistii, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday bartamaha iyo bariga Ukraine iyadoo ciidamada Ruushku ay saddex dhinac ka weerareen dalka, badda iyo cirka.

Hogaamiyayaasha Mareykanka, Midowga Yurub, Australia iyo Japan ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka.

Finalka Champions League 2022 ayaa lagu ciyaari doonaa magaalada Paris kadib duulaankii Ukraine. Finalka tartanka kooxaha ugu magaca dheer qaarada Yurub ayaa lagu waday in lagu ciyaaro St Petersburg 28ka May ee sanadkan.

Kadib kulan ay yeesheen Jimcihii, Uefa ayaa xaqiijisay in kulankaan aan lagu qaban doonin garoonka Gazprom Arena. Taas beddelkeeda maamulka kubbadda cagta Yurub ayaa go’aansaday in lagu qabto garoonka Stade de France ee magaalada Paris.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa hadda soo saartay bayaan ay ku adkaysanayso in ciidamadeedu ay la wareegeen warshadda Nukliyeerka ee Chernobyl.

Waxaana bayaanka lagu sheegay in ay sidaas u yeelayso in kooxaha wadaniyiinta ah iyo ururada kale ee argagixisada aysan u isticmaali karin xaalada dalka si ay u sameeyaan daandaansi nukliyeer ah.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in heerarka shucaaca ee agagaarka warshadda ay yihiin kuwo caadi ah shaqaaluhuna ay sii wadayaan la socodka heerarka shucaaca.

Dhinaca kale, bayaankan, Ruushku wuxuu sheegay in guulo uu ka gaaray dagaalka uu ku sheegay inay ciidamadoodu ku wajahan yihiin Donetsk iyo Luhansk.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in in ka badan 150 ka mid ah ciidamada Ukraine ay isa soo dhiibeen, waxaana la burburiyay tobanaan goobood oo kaabayaal dhaqaale oo milatariga Ukraine ah, hub iyo gaadiid.

Dhanka kale, ciidamada qalabka sida ee Ukraine, ayaa qoraal ay Facebook-ga ku soo qoreen goor sii horeysay ku sheegay in ay gacanta ku hayaan Donetsk iyo Luhansk halkaas oo ciidamada Ruushku aanay wax guul ah ka gaarin, sidoo kalena ay dib u riixeen ciidamada Ruushka ee ku sugnaa goobo kale.

Ciidamada Difaaca ee Ukraine ayaa mar kale bartooda twitter-ka soo dhigay, iyagoo ugu baaqaya dhammaan dadka rayidka ah inay ku biiraan ciidamada iyadoo aan loo eegayn da’dooda .
Xoghayaha difaaca ee UK Ben Wallace ayaa difaacay heerka taageerada ay UK siiso Ukraine.

“Ma kicin doono dagaal reer Yurub ah. Laakiin waxa aan samayn doono ayaa ah in aan Ukraine ka caawiyo in ay ku dagaalanto waddo kasta iyada oo la adeegsanayo qalab kasta oo aan u heli karno,” ayuu yiri.

Ruushka ayaa hawadiisa ka mamnuucay dhammaan diyaaradaha xiriirka la leh UK.
“Waxaa la soo rogay xayiraad ku saabsan isticmaalka hawada Ruushka ee duullimaadyada diyaaradaha ay leeyihiin, kireeyeen ama ay maamusho hay’ad ku xiran ama ka diiwaan gashan UK,” ayay tiri maamulka duulista ee Ruushka. Waxay ku tilmaantay go’aanka mid jawaab u ah go’aamo ka soo baxay maamulka duulista ee UK.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More