Wararkii ugu dambeeyay magaalada Beledweyne oo qaraxyo kale ka dhaceen

Mar 23 (Jowhar.com) –Qaraxyo kale ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Beledweyne iyadoo qaraxyadana ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa ka jirta xaalad cakirnaan gudaha xarunta madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Beledweyne.

Illaa labo qarax ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha madaxtooyada iyadoo qaraxii hore uu ahaa mid lala beegsaday Aamina Maxamed Cabdi oo kamid ahayd xildhibaanadii baarlamaanka tobnaad haatana ka mid ahayd musharaxiinta kursiga HOP135.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle ee la xiriira qaraxyada ka dhacay Beledweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More