Wareegga sadaxad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay

April 27 (Jowhar.com)- Waxaa bilaabatay doorashada wareeegga saddexaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka taasoo ay ku tartamayaan labo musharax.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” ayaa ku tartamaya wareeegan ugu dambeeya ee doorashada guddomiyaha golaha shacabka.

Musharaxiintii ka qeygashay wareegga koowaad balse u gudbay wareegga labaad ee Cabdulaahi Balack iyo Aadan Saransoor ayaa ka tanaasulay tartanka wareegga labaad waxayna ugu baaqeen taageerayaashoda inay codkooda siiyaan Sheekh Aadan Madoobe.

Codadka ay helaan labadan xildhibaan ee tanaasulay haddii uu si toos ah u helo Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ku guuleysanayaa doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More