Sheekh Aadan Madoobe oo cod aqbalabiyad ah loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka

April 28(Jowhar.com)- XIldhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe”ayaa ku guuleystey doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka kadib markii uu wareeggii saddexaad cod aqlabiyad leh uu ka helay tartankii doorashada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 163 cod halka uu musharaxii la tartamayay Xasan Cabdi Nuur uu ka helay 89 cod.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday dabaaldegyo iyadoo laga maqlayo degmooyinka badankood rasaas sare loogu ridayo guusha Sheekh Aadan madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka xilligii dowladii kumeelgaarka ahayd waxaana uu ahaa musharax ay si weyn u taageerayeen mucaaradka Madaxweynaha muddo xileedkisiu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More