Wasaarada Gaadiidka oo heshiis caaalami ah la saxiixatay Hay’adda Gadiidka hawada adduunka ee IATA

Feb. 06 (Jowhar.com)- Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Faderalka Soomalia xildhibaan Fardawso Cismaan Cigaal ayaa Maanta, heshiis taariikhi ah la gaartay Hay’adda Gaadiidka Hawada adduunka ee IATA iyadoo heshiiskan uu markii u horreysay fursad wayn siinaayo Soomaaliya dhinacyada iskaashiga dhaqaale ee IATA iyo faa’iidooyinka kale ee adeegyada hawada.
Sidoo kale , waxay Somaliya u tahay diwaan taariikheed in Soomaliya wixii hadda ka dambeeya la siiyo Code-ka lagu jaro Tikidhada Gaadiidka isticmaala hawada dalkeenna.

Waxaa heshiiskan dhanka Hay’adda u saxiixay Madaxweyne ku-xigeenka IATA ee Bariga dhexe iyo Afrika Kamil Alawadhi Madaxwayne kuxigeenka Hay’adda IATA ayaa dhankiiisa sheegay in uu ku farax san yahay heshiiskan ay la galeen Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaliya Safiirka Dalkeenna u jooga Dalka kenya Maxamed Nuur Tarsan ayaa ku sugnaa munaasabada Heshiiska iyo Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Somaliyeed Axmed macalin Xasan.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Fardawso Cismaan Cigaal ayaa boggaadisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo dadaalladeeda halkan lagu soo gaaray iyo safaaradda dalkeenna ee ku taal Nairobi oo martigelisay munaasabadda heshiiskani ku qabsoomay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More