Wasaarada Ganacsiga oo beenisay in shirkada MARU PORT siisay ogolaanshaha hubinta tayada badeecadaha.

Nov. 28 (Jowhar.com) -Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in dowladdu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka soo gelaya iyo kuwa kabaxaya intaba sida lagu caddeeyay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay halkan ku caddaynaysaa inuu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in Wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada.

Qoraalka wasaarada waxaa sidoo kale lagu sheegay ineysan jirin wax shirkad ah oo ogolaansho loo siiyay hubinta tayada badeecadaha dalka imaada iyo kuwa ka baxaya, iyadoo dhawaan tartan furan loo gali doono arrintaasi.

“Wasaaraddu, waxay sidoo kale u caddeynaysaa bulshada Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan ba hay’adaha kale ee ay khusayso ba in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah balse dhawaan ay Wasaaraddu shaacin doonto Bid(Bidhka) oo si daah-furan tartan loo gelin doono shirkadaha soo codsada ee u qalma baarista tayada badeecadaha soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata” ayaa lagu sii daray warka wasaarada.

Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Soomaaliya ayaa ugu danbeyn uga dugtay shirkada MARU PORT iney wax shaqa ah qabato, iyadoo arrintaasi hadey ku dhaqaaqdana loo sheegay in talaabo laga qaadi doono.

“Ugu dambayn, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, waxay u digaysaa shirkadda MARU PORT, iyada oo sidoo kale na lagu la xisaabtami doono nooc kasta oo tallaabo ah oo ay qaadaan maadaama aanay u haysanin wax oggolaanshiyo ah oo ay siisay Wasaaraddu” ayaa lagu soo xiray warka wasaarada.

Si kastaba, Shirkaddaan MARU PORT ayaa laga daah-furay Maalinimadii Shalay Magaalada Muqdisho Maantane qoraal baa laga soo saaray oo ka dhan ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More