Wasiirka Amniga oo digniin u diray mas’uuliyiinta dowladda iyo maamul goboleedyada

May 30 (Jowhar.com)-Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa digniin adag u diray mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee haatan ku sugan caasimadda.

Wasiirka oo maanta tagay xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka ayaa ku dheeraaday khaladaadka dhinaca shuruucda wada marista ee ka dhaca xubnaha dowladda, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay iney u hogaansamaan awaamirta askarta taagan wadooyinka.

Wasiir C/llaahi Maxamed Nuur oo taabtay khaladaadka dhaca ayaa xusay in gawaarida ay wataan xubnaha dowladda ay maraan wado aaney tooda eheyn ama mararka uu mashquulka jiro ay gawaaridooda ka tuuraan mishibiyeeriga, taasoo kamid ah caqabahaa jira

“Mas’uuliyiinta Dowladda waa in ay hagaajiyaan shuruucda waddo marista, madaxdu waa in ay tusaale shacabka u noqdaan oo aanay Gaadiidkooda ka gudbin marsho-biyeediga ama aanay marin dhinac aysan waddada ka lahayn” ayuu yiri wasiirka amniga.

Wasiirka Amniga Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa dhinaca kale amaanay shaqada ay hayaan ciidanka ilaalada wadooyinka ee Tarafikada, isagoo sheegay inuu jiro isbedel dhinaca dhismaha xaruntooda iyo shaqada ay hayaan, taasoo uu ku amaanay taliyohooda Bishaar Abshir Geedi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More