Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horeeyay beri uga baxaya Muqdisho

May 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa iney beri u bilaabato booqashooyin uu ku kala bixinayo xarumaha dowlad goboleedyada, si uu latashi ugala sameeyo dhismaha dowladiisa cusub.

Safarka ugu horeeya waxa uu madaxweynaha ku aadi doona beri oo Talaada ah magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa, waxaana si qeyn loo adkeeyay amniga xarunta gobolka Baay.

Baydhabo waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, wafdigiisa oo qeyb ay ka ahaayeen xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gogol xaar u ah safarka madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa wada hadalo daaran isu soo dhawaanshaha maamulkiisa iyo koofur galbeed la yeelanayo madaxweyne C/casiis Lafta-Gaeeen oo la xasuusto dadaaladii uu ku bixiyay sidii dib loogu soo dooran lahaa madaxweynaha laga guuuleystay Maxamed C/llaahi Farmaajo, sidoo kale waxey ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka Shabaab iyo isu diyaarinta doorasho ka dhacda Baydhabo marka ay dhamaato mudo xileedka madaxweyne Lafta-Gareen.

Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale markii xilka Madaxweynaha loo doortay September 2012 waxaa uu booqashadiisa u horreeyay ku tagay Baydhabo.

Safarkan kadib waxaa la filayaa inuu madaxweynaha u duulo Dhuusa-Mareeb oo uu wadaadalo la yeelan doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo isaguna qeyb ka ahaa xulufada Farmaajo, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ka dhabeeyo balanqaarkiisii ahaa inuusan Aargoosi sameyn doonin mudada uu xafiiska fadhiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More