Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo teleefoonka kula xiriiray Dhiggiisa Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi.

Labada Wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan qadka taleefanka waxa uu kula hadlay wasiirka arrimaha dibada dowlada Qadar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More