Wasiirka Cadaalada oo markale hortagay Baarlamaanka Soomaaliya

Aug. 07 (Jowhar.com)-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa maanta markale hortagay Xildhibaannada Golaha shacabka oo kulan ku leh xaruntooda villa Hargeysa.

Golaha ayaa waxa ay maanta marsiinayaan Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka oo akhrinta 1-aad ay Golaha marsiinayaan.

Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Xasan Macalin ayaa Golaha Shacabka ka raali geliyey dib u dhaca kulankii Golaha ee maalintii Sabtiga.isagoona sheegay in uu ku mashquulay shirkii Amniga Qaranka

Kulanka Golaha Shacabka oo hadda socda waxaa shir guddoominyao Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadn (Madoobe) iyo labadiisa ku xigeen,wasiirka Cadàaladda ayana golaha ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka,isagoona ka jawaabay weydiimaha xildhibaanada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More