Xamze oo Kismaayo ka dhagax dhigay wado laami 4 KM ah

Nov 27 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laamiya oo 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doonto amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More