Xamze oo xalay la kulmay Saraakiisha iyo ciidamada la socday Markabka dagaal ee Turkiga

April 24 (Jowhar.com)-Saraakiisha iyo ciidamada la socda markabka dagaal ee shalay ku xirtay dekadda Muqdisho ayaa xalay ku hoyday halkaas, waxana qaar kamid ah casho sharaf loogu sameeyay hudheelka Dikaale.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa si maamuus leh u qaabilay saraakiisha markabka la socota iyo xubno ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ka qaybgalay casho sharafta.

Ra’isul Wasaare Xamse ayaa ku sheegay tagista markabka dagaal ee Turkiga ee Muqdisho dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa xiriirka labada wadan.

Madaxda Dawladda ayaa ku tilmaamay tagista markabkan ee Muqdisho mid qayb ka ah heshiis kii dhawaan labada wadan gaareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More