Xasan Sheekh oo bilaabay kulamo looga hadlayo xasilinta deegaanada laga saaray Shabaab

Aug 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug oo uu kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar-goynta kooxaha argagixisada ah oo ay ciidamada qaranku kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madxweynaha uu dhinacyadan kala hadlay sidii looga fogaan lahaa muranada la xiriira is qab-qabsiga maamul ee deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More