Xasan Sheekh,”Mas’uul Kasta ha watee gaarigii diida in la baaro Tallaabo ayaa laga qaadayaa.”

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay go’aamo dowladda ay ku xakamayneyso hubka.

Sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka iyo agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada iyo Gaadiidka dagaalka ee diida in lagu istaajiyo baraha koontorool ee kuyaalla Magaalada Muqdisho sida Al-Shabaab loola dagaalami doono.

” Masuul kasta ha watee gaarigii diida in lagu hubiyo baraha Koontarool talaabo halaga qaado waa amar, sidoo kale Gaadiid ciidan saaran yahay laguma dhex arki karo caasimadda”.ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mas’uuliyiinta Magaalada Muqdisho ku dhex wata hubka waaweyn iyo Gaadiidka dagaalka ayuu sheegay inay faan iyo xarako ka tahay balse aan laga aqbali doonin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay Qaraarka Xukuumadda ka soo baxay inuu dhaqan galo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More