Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan gaar ah yeelanaya

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta hortagaya Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu qudbad ku saabsan arrimaha doorashada dalka uga jeediyo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ayaa toddobaadkan sheegay in uu maanta oo ah 1da May hortagayo baarlamaanka si loogu laabto wada hadaladii arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa 12kii bishii la soo dhaafay waxa ay ansixiyeen sharci mudada u kordhinaysa Madaxweynaha isla markaana dalka uu galayo doorasho qof iyo cod ah muddo labo sano gudahood ah.

Hase yeeshee sharcigan ayaa waxaa ka horyimid musharaxiinta xilka madaxweynaha, wadamada caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed,waxana uu sababay gacan ka hadal ay ka dhasheen dhimasho,dhaawac iyo barakac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More