Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay Gaalkacyo

Mar 6 (Jowhar.com) – Waxaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug maanta ka dhacday doorashada golaha shacabka iyadoo lagu doortay shan xildhibaan.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa ah tii ugu horeysay ee lagu qabto magaaladaas iyadoo ay tahay deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qaladla Cali Cawaale ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#017 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

Jawaahir Maxamed Axmed ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#001 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

Xersi Aadan Rooble ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#101 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

Aadan Cismaan Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#013 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More