Xiliga la dooranayo madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay

May 05 (Jowhar.com)– Guddiga isku dhafka ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, kadib kulan saacado badan qaatay oo Muqdisho ay ku yeesheen.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in doorrashada madaxweynaha la qabanayo 15-ka bishan May oo ku beegan maalin Axad, iyadoo talaabadan deg dega ah loo aaneenayo cadaadiska Beesha Caalamka, kuwaasoo hakad galiyay dhaqaalihii iyo deeqihii ay siin jirtay Soomaaliya.

Maalinta la qabanayo doorashada ee 15-May ayaa ku beegan maalintii la aasaasay ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, sidoo kale waa maalinta la xuso maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay iska soo xulay 16 xubnood oo kamid ah 17-ka xubin ee guddiga doorashada madaxweynaha, iyadoo qofka 17aad uu soo magacaabay gudoomiyaba golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Hal sano iyo sadax bilood ka hor ayay ahayd inay dhacdo doorashadan, Balse isjiid jiid dheer ka dib hadda waxaa la ogyahay taariikh cayiman oo soo afjaraysa xasarad siyaasadeed oo dalkan ragaadisay, walow laga cabsi qabo in dib u dhacyo hor leh ay yimaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More