Xogta dakhliga Daacishta Soomaaliya soo gasha bil walba

Feb. 16 (Jowhar.com-Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu soo bandhigay macluumaad la xiriira dakhliga bil kasta ay soo xareyso kooxda Daacish garabkeeda Soomaakiya iyo meelaha ay ka hesho dhaqaalaha.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in kooxda Daacish bil walba ay hesho lacag gaareyso $100,000 (Boqol Kun oo doolar), lacagta ayaa ka soo xaroota canshuurta sharci darada ah ee ay ka qaado maraakiibta iyo ganacsiyada.

Sida ay muujineyso xogta ay baahisay warbixinta argagixisada ee Qaramada Midoobe, lacagta laga uruuriyo Soomaaliya $25,000 kamid ah ayaa bil walba loo diraa garabka Daacish ee Afghanistan.

Xafiiska dhaqaalaha ee Daacish oo loo yaqaano Al-Karrar waxaa hore u maamuli jiray Bilaal Al-Suudaani oo bishii hore Mareykanka uu duqeyn ku dilay, waxaase haatan maamula Hoggaamiyaha kooxda C/qaadir Muumin.

Kooxda Daacish ayaa ka kooban 200 ilaa 250 dagaalame, malahan awood ay ku qaado duulaan toos ah, balse si dhuumaaleysi ah ayey uga howlgashaa deegaano kamid ah Puntland, waana koox leh saameyn muuqata oo ay baad uga uruursato dadka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More