10-ruux lala xiriirinayo Al-Shabaab oo la soo taagay maxkamad ku taal Kampala

by A M | Thursday, Sep 25, 2014 | 1918 views

10-ruux lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa shalay la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyadoo dadkan si gaar ah loola xiriirinayo weerarkii Kampala ee sanadkii 2010.

Sagaal ka mid ah dadkan ayaa u dhashay Soomaaliya, waxaa ku jira labo haween, halka midka tobnaad uu u dhashay dalka Kenya, waxaana Maxkamada ay ku heshay qodob ka mid ah sharciga la dagaalanka Argagixisada ee u yaala dalkaas.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa lagu soo qabtay howl gal horaantii 13-kii bishan ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen xaafado isku raran ahaa oo ay Soomaalida degto, halkaasoo lagu soo qabtay dad ka badan labaatameeyo ruux.

Xeer Beegtida Maxkamada ayaa sheegay in ragan lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weeraradii mataanaha ahaa ee sanadkii 2010 ka dhacay magaalada Kampala, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 76 ruux.

Hey’adaha Ammaanka Uganda ayaa dhowaan sheegay inay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab ka geysan rabaan goobaha muhiimka ah ee Kampala, maalmo kadib markii Safaarada Mareykanka ee Kampala soo saartay digniin ku aadan weeraro argagixiso.

Uganda ayaa ahaa dalkii u horeeyay ee ciidamo nabad ilaalin u soo dira Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu noqday dalkii u horeeyay ee dalalka geeska Afrika oo ay Al-Shabaab qaraxyo ka fuliyaan.

Like it? Share it!