Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tegey Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay, ka dib booqasho rasmi ah oo uu muddo 3 cisho ah ku tegay dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intuu halkaasi ku sugnaa waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Qadar.

Waxaana kulamadu ay ahaayeen kuwo looga hadlay arrimo khuseeya xoojinta xiriirka labada dal Qatar iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibbada xukuumada Soomaaliya ayaa  ka warbixiyo booqashada ra’iisul wasaaraha uu ku tegey magaalada Doxa ee dalka Qadar.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More